Tuesday, August 22, 2017

Bandhig dhaqameed balaadhan oo lagu qabtay degmada dhahar

Bandhig dhaqameed uu soo qaban qabiyay URURKA HEEGAN DEVELOPMENT ORGANIZATION ayaa shalay lasoo gabagabeeyay
Badhigaan oo koobsanayey dhamaan qaybaha kala duwan ee dhaqanka ayaa waxa uu qaatay mudo saddex maalmood ah  kaas oo loogu magac daray bandhiga HIBO IYO HAL-ABUUR
Intuu uu socday bandhigu waxaa lasoo bandhigay qaybaha kala duwan ee dhaqanka soomalida sida:
Cuntooyinka : cuntooyinka goobtaan lagu soo bandhigay waxaa ahaayeen cuntooyinkii hore ee Soomaalida oo kala ah ; qaxan/ burdamas/ruub, miraha la cuno iyo haruur  sidoo kale waxa goobta lagu soo bandhigay caanaha xoolaha iyadoo intii uu socday barnaamijku  goobta lagu lulay caanaha nooca ciirta  loo yaqaan  lagana miiray subagii kadibna lagu sooray kasoo qayb galayaashii bandhiga. sidoo kale  iyadoo aanay  mesha ka maqnayn habka loo sameeyo cuntooyinkaas, iyo sidoo kale hees hawleedka cuntooyinka loo qado xiliga la samaynayo .
GOGOL: waxaa goobta lagu soo bandhigay gogosha sida dermooyinka, cawsas , salliyo ,iyo wixii La hal-maala taas oo lagaga maarmay daahyo, roogag iyo waxyaalaha kale ee la goglado
SUUGAAN:  barnaamijka intii uu socday ayaa waxaa suuganta qaybaheeda kala duwan ku tartamay tobaneeyo dhalinyaro de'doodu ka hoosayso 20 sano  kuwaas oo isugu jiray wiilal iyo gabdho.
Weel-dhaqameed: Madasha bandhigu ka socday waxaa oolaa agabka ay soomaalidu cuntooyinka u isticmaali jireen kaas gebi ahanba ahaa mid  ay sameeyeen bulshadda soomaalidu sida DHIILO, HARUUBO XEEROOYIN IYO FANDHAALO , SATIYO HAAMO,  IWM
Markii uu barnaamijku soo gaba gaboobay ayaa waxaa la abaal mariyay saddexda kaalmood ee ugu sareeyay de'yartii Ku tartantay hibadda iyo hal -abuurka eebe siiyay
Intii uu barnaamijku socday waxaa goobta lagu qabanayey soo buux dhaafiyay bulshada reer haylaan ku waas oo  isaga kala imaanayey miyi’ magaalo inta u dhow magaalada dhahar ee lagu qabtay barnaamijka bandhiga dhaqanka  sidoo kale waxaa goob joog ahaa intii u socday bandhigu mamulka gobolka ,kan degmada ,odayal dhaqmeedyo ,xildhibaano
Tartanku kuma ekayn keliya hal abuurka maanso ee waxaa goobta Ku tartamay lixda xaafadood ee degmada dhahar ka kooban tahay kuwaaas oo Ku tartamayay qalabka dhaqanka, cunta dhaqameed weelka dhaqanka iyo Gogol dhaqameedka.
 markii la saaray miisaanka  dareenka shacabka ayaa wuxu noqday kii ugu xiiso badnaa oo lagu qabtay gobolka haylaan
Bandhigan dhaqan iyo suugaaneed waxaa garsoor ka ahaa abwaanin dhaqan yaqaano,qorayaal Ku xeeldheer dhaqanka soomaalida iyo macalimiin ku aqoon durugsan u leh dhaqanka iyo afka somaliga.
Si kastaba ha ahaate barnaamijkaan ayaa noqonaya  mid soo jiitay indhaha cidkasta oo xaadirtay madashii bandhiga.
Gabagabadii ayaa waxaa bogaadin balaadhan usoo  jeediyay ururka HEEGAN ee soo qaban qabiyay barnaamijkaan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida siyaasiyiinta  Oday dhaqamedka  yo dhalinyarada  .
Ururka  HEEGAN ayaa waxay  balan qaadeen inay sanadka soo socda midka baaxad iyo mug wayn kii sanadkaan ay qaban doonaan  ayadoo bulshada loogu baaqay inay ka qayb qaataan taaba gelinta bandhig wayn oo gobolka hylan Ku tartamaan degmooyin iyo deegano kaleba








Monday, March 6, 2017

MUCJISADII DAHSOONAYD

Yusuf Garaad: Dib u Milicso Mustaqbalka Villa Somalia: Laga soo billaabo Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan iyo Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi, ku xiji Nuur...

Yusuf Garaad: Dib u Milicso Mustaqbalka Villa Somalia

Yusuf Garaad: Dib u Milicso Mustaqbalka Villa Somalia: Laga soo billaabo Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan iyo Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi, ku xiji Nuur...

Daud Abdikarem: Xilimaa mucaarad loo baahan yahay

Yusuf Garaad: Dib u Milicso Mustaqbalka Villa Somalia: Weligeey iskumaan deyin mas’uul la doortay sida Madaxweyne iyo Guddoomiye Baarlamaan ama mid la magacaabay sida Ra’iisal Wasaare iyo Wasi...

Yusuf Garaad: Dib u Milicso Mustaqbalka Villa Somalia

Yusuf Garaad: Dib u Milicso Mustaqbalka Villa Somalia: Weligeey iskumaan deyin mas’uul la doortay sida Madaxweyne iyo Guddoomiye Baarlamaan ama mid la magacaabay sida Ra’iisal Wasaare iyo Wasi...